Ciidamada dowladda oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho iyo duleedka Mahadaay.

Saturday February 25, 2023 - 12:01:22
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dilal ah oo maleeshiyaad katirsan dowladda ay ka geysteen deegaanno katirsan gobollada Sh/dhexe iyo Banaadir.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda ay qof wiil dhalinyara ah ku dileen deegaanka Ceelbaraf.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadku ay toogteen wiil dhalinyara ah oo lagu magaaabi jiray Max'med Axmed Xasan.

Ciidamadii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay, dhinaca kale ciidamo katirsan DF-ka ayaa qof shacab ah ku dilay gudaha magaalada caasimaddda ah ee Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in 2 katirsan ciidanka dowladda oo watay Mooto ay toogteen, ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada dowladda ay dad shacab ah ku dilaan deegaanno katirsan Sh/dhexe.

Related Items

Update cookies preferences