Al Shabaab oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Ciyaal Weerada,dadka daroogada ka ganacsada iyo arrimo kale [Dhageyso].

Thursday February 23, 2023 - 21:39:48
Liibaan Jeexoow
Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qaar katirsan gobollada dalka.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa shir jaraa'id ku sheegay in weerarkii ka dhacay guri kuyaal degmada C/Caziiz ee magaalada Muqdisho ay ku dileen 79 katirsan saraakiisha iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay in ay Muqdisho ka fulinayaan howlgallo ka dhan ah burcadda loo yaqaan Ciyaal weerada, kooxaha daroogada ka ganacsada iyo xarumaha Zinada iyo fuxshiga lagu faafiyo.

Sh.Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidamada ayaa iclaamiyay in ay howlgallo baaxad leh ka fulin doonaan Muqdisho wuxuuna ugu baaqay Ciyaal weerada,kuwa daroogada ka ganacsada in ay Rabbi u towbad keenaan haddii aysan sidaas yeelinna tallaab adag laga qaadi doono.

Kumanaan kun oo katirsan dadka Muqdisho ayaa wilaayada Islaamiga Banaadir uga cawday halista ka jirta magaaladooda kuwaas oo halis ku ah diinkooda iyo akhlaaqdooda.

"Ciidanka Mujaahidiinta ee Muqdisho ka howlgala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay 1-waan kaa war haynaa 2-waan kugusoo soconnaa 3-waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbadkeentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin" ayuu yiri Abuu Muscab.

Related Items

Update cookies preferences