Dhulgariir khasaare dhaliyay oo markale ku dhuftay dalalka Suuriya iyo Turkiga.

Tuesday February 21, 2023 - 12:14:50
Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay halka ku dhowaad 10 kale ay ku dhaawacmeen dhulgariir hor leh oo ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya.
Wararka ka imaanaya gobolka Haataay ee Koonfurta Turkiga ayaa sheegaya in 12-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhaceen illaa 32 gilgilasho waxayna dhulgariiradaas sababeen in ay dumaan boqolaal guri islamarkaana ay waxyeello gaartay waddooyin iyo garoomo diyaaradeed.

Dhanka wadanka Suuriya ugu yaraan 6 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhulgariiradii ka dhacay gobollo dhaca waqooyi galbeed ee wadankaasi.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kumanaan ruux oo banaanada taagan si ay uga badbaadaan burburka dhismayaasha.

Dhulgariir isbuuc ka hor ku dhuftay mandiqadda bariga dhexe ayaa sababay dhimashada inkabadan 44 kun oo ruux halka malaayiin kale ay ku saamoobeen.

Related Items

Update cookies preferences