Iska hor'imaadyo culus ayaa maalintii 6aad oo xiriir ah ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Inkastoo maamulka 'Somaliland' uu ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah hadane ciidamada maamulkaas ayaa weli weeraro bahalnimo ku haya dadka shacabka ah.
Wararka ka imaanaya Laascaanood ayaa sheegaya in duqeyn saaka ku dhacday isbitaalka guud ee magaalada uu ku dhintay Dr.Cabdisalaam Muuse oo kamid ahaa howlwadeennada caafimaadka isbitaalka.
Shir deg deg ah oo ay salaadiinta iyo waxgaradka SSC ku yeesheen Laascaanood ayay kusoo dhoweeyeen xabad joojinta halka dhinac ah ee ku dhawaaqay Muuse Biixin.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Hoggaanka SSC uu si taxadar leh usoo dhoweynayo dhawaqa kasoo yeeray Muuse Biixi.
Dadka Laascaanood ayaa markale ugu baaqay maamulka Somaliland in uu joojiyo duqeymaha iyo gacan ka hadalka islamarkaana uu udiyaar garoobo wadahadal nabadeed.