Hoggaamiyaasha Itoobiya iyo Kenya oo ka qeyb galay shir ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wednesday February 01, 2023 - 17:49:57
Liibaan Jeexoow
Waxaa hoteel ku yaal agagaarka xerada Xalane lagusoo gaba gabeeyay shir afar geesood ah oo ay isugu yimideen qaar katirsan hoggaamiyaasha dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika.
Madaxweynayaasha dalalka Kenya,Jabuuti iyo R/wsaaraha Itoobiya ayaa socdaal kooban ku tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadibna waxaa ladejiyay hotel ay ammaankiisa si aad ah u ilaaliyaan ciidamada shisheeye iyo kuwa Mareykanka.

Warmurtiyeed lagasoo saaray gaba gabadii kulanka ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaasha sedaxdan dal ay maamulka Xasan Sheekh ka taageeri doonaan ladagaallanka waxa loogu yeero 'Argagaxisada'.

Abiy Axmed, Ismaaciil Cumar Gelle iyo William Ruto ayaan wax cusub ka sheegin shirkan waxayna carabaabeen in ay ladhacsanyihiin dabadhilifnimada Xasan Sheekh hoggaamiyaha cusub ee dowladda.

Warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka afar geesoodka ah ma xambaarsaneyn wax cusub marka laga eego shirarkii hore iyo midkaan "Shir-madaxeedka waxa uu soo dhaweeyay aragtida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in diiradda la saaro ka adkaanta argagixisada iyadoo loo marayo hab ciidan, dhaqaale, iyo fikrado" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hoggaamiyaashan cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu hoggaanka DF-ka qabtay Xasan Gurguurte ayuu isku dayaye in uu raalli geliyo madaxda Itoobiya iyo Kenya, kumanaan katirsan ciidamada calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ayaa duullaan ku jooga Soomaaliya mana ku guuleysan wiiqidda awoodda jihaadiga ah ee Al Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences