Weerar lagu dilay saraakiil katirsan maleeshiyaadka Macaawisleyda oo ka dhacay duleedka Beledweyne.

Wednesday February 01, 2023 - 17:47:29
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal culus oo markale dib uga qarxay deegaan dhaca bariga gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Beer Xaano ee duleedka Beledweyne ayaa sheegaya in iska hor'imaad culus uu halkaas ku dhaxmaray ciidamada Wilaayada Islaamiga Hiiraan iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda dabadhilifyada ah.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal saacad socday lagu dilay dhowr sarkaal waxaana kamid ahaa Max'med Cusmaan Cali iyo Dibile oo labaduba ahaa saraakiil maleeshiyaad.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay xaaladdu degantahay waxaana deegaankii lagu dagaallamay si adag udifaacday ciidamada wilaayada Islaamiga ah.

Related Items

Update cookies preferences