Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan si dhow ula socday shir Hotelka Jazeera ee
magaalada Muqdisho ay ku yeesheen culimo ay u yeertay dowladda Soomaaliya si ay
u taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagana loogu sameeyo hey’ad
dastuuri ah oo dowladda ka tirsan islamarkaana leh hogaamiye. Warmurtiyeedkii kasoo
baxay shirka January 26, 2023, wuxuu ayiday dagaalkii fikriga ahaa ee uu
Madaxweynuhu ku dhawaaqay, wuxuuna sii cusbooneysiiyey magac bixintii
xukuumadda ee ahayd "Khawaarij”
Culimada shirka kasoo qeyb gashay waxaa iiga muuqday dad ay colaadi ka dhaxaysay
muddo dheer oo aan shir heshiisiin ah horey loogu qaban, waxaa kamid ahaa
dhallinyaro saaxiibadey ah oo aan Yurub isla deggan nahay, horeyna aan uga qeyb
galin shirar noocaan ah, waxaana ii muuqday mararka qaar in si toos ah la isku
weerarayay, heer arrinta la gaarsiiyay in la dhalleeceeyo kutub aan Al-Shabaab
kaliya ku gaar ahayn.
Dad badan oo aan mintidiinta ka tirsanayn oo culimo iyo caamaba leh waxay
arrintan ku dhalisay dareen ah inaan loo socon koox gaar ah, balse lagu soo
wajahan yahay Masaajiddooda iyo Maraakistooda, mana qiyaasi karo nooca uu noqon
karo go’aanka ay qaadanayaan. Shirka waxaa ku badnaa marka xagga saameynta laga
eego wadaadadii uu ka tirsanaa awoowgey Xaaji Xusseen ee loo yaqaano dariiqada
"Suufiyada”
Dhowr iyo sideetan maalmood ka hor, Al-Shabaab waxay qabteen shir ay isugu keeneen boqollaal culima ah kaasi oo socday muddo 5 maalmood ah, waxaan ula socday si lamid ah sida kan dowladda oo kale, si aan u helo xog iyo aragti aan wax ku qiimeeyo maadaama aan ahay qoraa ka faalloodo arrimaha wadanka, madasha waxaa ka muuqday rag aan UK iyo Sweden ku arki jiray iyo kuwa gudaha Soomaaliya laga garanayo, waxaana goob joog ahaa madaxda ururka Al-Shabaab.
Fatwadii kasoo baxday shirka oo aan kala socday warbaahinta kooxda, kana
koobnayd 15 beej ayaa looga dooday 10 mas’alo, waxaana lagu cusbooneysiiyay
xukunka dowladda Soomaaliya oo lagu tilmaamay "Riddo”. Shirkan wuxuu kusoo
aaday xilli Dr Xassan Sheekh iyo Sheekh Cali Dheere ay hawada isku mariyeen
hadallo weerar iyo weerar celis ah, wuxuuna aad u dhiiragaliyay dagaalyahanada
kooxda iyo bulshada ku dhaqan dhulka ay maamulaan. Balse shirka culimada
dowladda wuxuu yimid xilli dambe oo dagaaladu habacsanaan ku yimaadeen.
Muqaalkan waxaan
akhriste kusoo gudibnayaa shan [5] arimood oo Culimada Al-Shabaab Kaga Duwan
Yihiin Culimada Dowladda.
1. ATMIS IYO MAREYKANKA WAXAY U ARKAAN CADAW SOO DUULAY.
Culimada Al-Shabaab, waxay heystaan fursad ka badan midda ay heli karaan wadaadaha dowladda, waxay ku doodayaan waa wax uu qof walba si waaqici ah u arki karo sida in Mareykanka iyo ATMIS yihiin gaalo dhul muslim kusoo duushay, waxaa warkooda sii xoojinaya Qur’aanka oo gaalada meel cad uga soo haray, dadkana ku waajibiyey la dagaalankooda weliba markey soo xadgudbaan. Kenya iyo Itoobiya waxay dhul horey uga heysteen Soomaaliya haddana waxay doonayaan inay ku darsadaan kuwa hor leh. Culimada villada, uma arkaan ATMIS gaalo soo duushay ee waxay u yaqaanaan Nabad ilaalin. Shirkooda wuxuu dhabbaha usii xaaray shirka hadda Muqdisho uga socda madaxda wadamada safka hore ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliiya. Wareysiyo aan dhowr jeer dhageystay oo laga qaaday rag kamid ah culimada dowladda waxaa ku cad oo ay sheegayaan in ciidanka Ajnabigu dalakn u yimaadeen inay xasilooni kusoo dabaalaan. Raggaasi waxaan ka xusi karaa Sh/ Bashiir Axmad Salaad, Sh/ Nuur Baaruud Gurxan oo dhintay 2021 iyo kuwa kale.
Al-Shabaab waxay sidoo kale
"Murtaddiin” u yaqaanaan dadka ka barbar dagaalama ciidamada shisheeye, marka
ay sidaa leeyihiin waxay xujeysanayaan aayado badan oo dadka diinta bartay wada
garanayaan kuwaas oo mamnuucaya in gaalo loo soo kaxaysto dad Muslimiin ah.
Shirkoodii bishii Oktober waxay kusoo bandhigeen 5 ijmaac oo warkooda
xoojinaya. Culimada dowladda intaan arkaayey kama maqlin aayado Qur’aan ah ama
Axaadiith ammaanaya ATMIS ama noo tilmaamaya in gaaladu ka shaqeyso maslaxada
Muslimiinta, igamana soo gaarin dhankooda nusuus xalaaleeneysa in la dajisto
qaanuun wax jideeya iyadoo Kitaabka iyo Sunnaha yaallaan, sidoo kale ma arag
qof iyaga kamid ah oo daliishanaya Aayado boorinaya xeerka ciqaabta
Soomaaliyeed oo maalin walba dad lagu xukumo.
Taariikhda markaad eegtid
waligeed waxaa Soomaaliya ku hardamayay culimo labadan koox kala matalaya.
Axmad Gurey markuu Bortoqiis iyo Xabashi la dagaalamayay waxaa jiray wadaado
kasoo horjeeday oo jihaadkiisii u arkayey mid aan sharciyad heysan isaga iyo
ciidankiisana ku tilmaamayey Khawaarij. Sayid Maxamad Cabdulle Xassan xilligii
uu la halgamayay gumeystayaashii Talyaaniga, Ingiriiska, Xabashida iyo maamul goboleedyadii
taabacsanaa, waxaa jira wadaado sidan oo kale uga soo horjeeday, sharciyadna
siinayey gumeystayaasha iyo maamuladii ku daabnaa. Sayidka oo uu Alle ku
galladay Aftahannimo iyo aqoon diineed ayaa afka ciida u daray wadaadahaas,
waxaana suugaantii uu uga digayey kamid ah:
Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta
Sharcigey hasaayaane yey, idin habowsiine
Sheydaanka soo wada humbucan nadi ku heylheyla.
Sheekh Xasan Barsane markii uu
la halgamayay gumeystihii Talyaaniga waxaa dhalleeceyn iyo hagardaamo ku hayay
wadaado dhanka kale kasoo jeeday. Biyamaal iyo Wacdaan dagaalkoodii ay
Talyaaniga kula galeen Sh/hoose waxaa sharci darro u arkayey wadaado dhanka
kale kasoo shirayey. Haddaba In wararka maalinlaha ah lagu mashquulo waxaa ka
muhiinsan in taariikhda la akhriyo, garaadkana wax lagu qiimeeyo.
2.HADALLADOODA FICIL AYAY U
BEDELAAN
Culimada Al-Shabaab iyagaa ugu horreeya kuwa dhaqan gelinaya fatwada ay soo saaraan, dagaalka ay dadka ugu yeerayaan waa ay ka qeyb galaan, hubkooda ayay garwaaxsadaan, duruus ayay masaajidda ka akhriyaan, bulshadana waxay ku garsooraan waxay ugu yeerayeen oo ah shareecada islaamka, iyaga ayaad ugu tageysaa maxkamadaha iyo adeegyada garsoorka.
Axmad Sugulle oo kamid ah
Soomaalida ku nool dalka Norwey oo sannadkii 2019 dacwad dhul u tagay
maxkamadaha Al-Shabaab, wuxuu ii sheegay in kooxda mayalka adag ay ku
guuleysatay iney suuliso wax walba oo ay munkar u taqaano, wuxuu ii sheegay in
aan qaad (jaad) lagu iibin laguna cunin dhulka ay ka taliyaan, inaad ku
diimeyso dumar iyo rag isku milan oo is dhex fadhiya ama si xun u labisan oo
cawradooda muujinaya.
Waxaan weydiiyay maxaa kuugu
yaab badnaa, wuxuu igu yiri waxaan arkay wax aanan waligey fileeyn inay
dhacayaan, waxaan weydiiyay waa maxay, wuxuu igu yiri: "xilli galab ah anigoo
kasoo baxay salaada casar ayaa waxaan arkay dad badan oo wadada socda, waxaan
ogaaday in loo socdo meel fagaare ah oo uu ka jiro xukun, waxaan hubsaday
xukunka waxa uu yahay, waayo waxaan ka baqayay qof la dilayo si bareer ah
maadaama aanan waligey arag, waxaa la ii sheegay inuu karbaash yahay, markii
aan tagnay fagaaraha Tooratoorow, waxaa la jeediyay muxaarado ka hadleysa
xumaanta caayda iyo yasiddu leedahay, kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo
dhaweeyay qaalliga oo ku dhawaaqay xukunka wiil dhallinyaro ah oo barxadda
lasoo istaajiyay, ninka waxaa loo heystaa oo uu qirtay inuu sino ku
aflagaadeeyay gabar ay murmeen oo ganacsato ah, waxaana lagu dhuftay 80
karbaash, xataa caay lama ogola” ayuu
yiri.
Culimada dowladda intaan ogahay
ficil uma bedelaan waxa ay fatwoodaan, haddey dagaal ku baaqaan ma galaan
kumana dhintaan furimaha. Mid kamid ah waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay ku
tilmaannaayeen culimadii Salafka waa Jihaadka lala galo gaalada, Sheykhul
Islaam ibnu Teymiya wuxuu hogaamiyay dagaalkii lala galay Tataarka, Muxadithka
faqiiha ah ee Cabdullaahi Ibnu Mubaarak wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay
Jihaad.
Culimada dowladda ma jiro gaal
ay u dakanaysan yihiin, adduunkana halkey doonaan ayay ka maraan, kuwooda
qurbaha ku nool waxaa hortooda lagu gubaa kitaabka Qur’aanka sidaba dhawaan ka
dhacday halkan iyo Sweden, waxaa lagu aflagaadeeyaa Nabiga «صلى الله عليه وسلم»
intooda badan waxay u labistaan sida reer-galbeedka, qaar baa shirkii Muqdisho
kasoo muuqanayay iyagoo garkii iska xiiray, hoteelada ay deggan yihiin waxaa
lagu dhigaa ciyaaro qoob-ka-cayaar ah oo rag iyo dumar u dhaxeeya, waxaa
xafladaha ay ka qeyb galayaan lagu daahfuraa Qur’aan kadib-na dumar niikinaya
ayaa lagu xijiyaa sida uu sheegay Sheekh Cabdulqaadir Soomow sadex maalmood
kahor.
3.SHIRARKOODA LAGAMA
SACBIYO DUMARNA KAMA QEYB GALAAN
Sannadkii 2012 waxaan taleefashinada Soomaalida ka daawaday shir ay culimo badan kasoo qeyb gashay oo ay ku qabsadeen magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaan daawaday kii ugu dambeeyay ee bishii Oktober 2022, marnaba ma arag wadaad war muhiim ah sheegay oo loo sacbinayo, ma oggola sacabka, waxayna taas badalkeed ku dhawaaqaan takbiirta (Allaahu akbar) marka qofka hadlayo uu ka dhawaajiyo arin lagu farxo ama muhiim ah, kuma koobna shirarka culimada, xataa xafladaha ay qabsadaan bulshada ku nool dhulka ay ka taliyaan ayaan laga aqoonin sacabka, caruurta ayaana kugu qosleysa haddey ku arkaan adigoo sabcinaya!
Waxaan
maqashiisanahay iney sacabka ka aaminsan yihiin dhaqan gaalo. Shirarka culimada
dowladda waxaa laga isticmaalaa sacabka, todobaadkii tegay waxaan daawanayey
iyagoo u sabcinaya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, mararka qaarna iyagaaba
isku sacbinayey dhexdooda. Sidoo kale waxaa dhex fadhiyay haween aan isku labis
ahayn, qaar xijaab wata iyo kuwa garbasaar kaliya ku gaabsaday oo uu sawirka
jirkoodu muuqdo. Shirarka noocan oo kale ah ee Al-Shabaab qabato kama qeyb
galaan haween, lagamana aqoonsana ol’olaha ay beesha caalamku wadeen sannadihii
dambe ee ah qoondada haweenka 30% ah, waxaase jirta in ururku uu dumarka
culimada ah siiyo kaalimo badan sida inay noqdaan mucalimiin, ama ka shaqeeyaan
howlaha dacawiga ee ka socda maraakista diiniga ee wax lagu baro dumarka.
Intii aan
baarayay qodobkan, laba gabdhood iyo 3 rag oo xog ogaal ah ayaa ii sheegay in
gobolada islaamiyiintu joogaan ay ka jiraan xarumo tacliineed iyo kuwa
caafimaad oo ay maamul iyo macallimiin ka yihiin haween. Haweeneyda darajada
ugu sarreysa ka qabatay dowladda waa Sacdiyo Yaasiin Samatar waxayna qaadataa
surwaal iyadoo u ol’oleysa waxa loo yaqaano xeerka jinsiga, Khadiijo Diiriye oo
soo labeysa oo qof waayeel ah ayaa iyadana u labisata sida ragga, wadaadkii la
hadlana aflagaado ayay ugu jawaabtaa sida ay dhawaan ku samaysay Sheekh Uma loo
mar ku dhaliilay surwaalka ay ku labisantahay.
4. MALAHA MASAALIX GAAR AH
OO AY ILAASHADAAN
Culimada Al-Shabaab, inta aan ka aqaano ama ka maqlay, ma laha shirkado ganacsi oo waaweyn iyo beero aseendooyin ah, bangiyada caalamkana kuma laha akkoon-no ay boqollaal kun ama malaayiin doolar ugu jiraan, taasi waxay u sahashay iney si xor ah xaqqa u cadeeyaan kana hadlaan wixii markaasi diin ahaan la quman iyadoo uusan jirin dhaqaale ay uga baqayaan in sirdoonada reergalbeedku kala wareegaan ama ka xayiraan. Muddo dhowr sannadood laga joogo waxay dowladda Mareykanku ku dhawaaqday inay hantidiisii ka xayirtay wadaadka Fu’aad Maxamad Khalaf, hayeeshee wadaadku waxaa uu sheegay in uusan heysan dhaqaale uu Mareykan ka xayiro, wax account ahna uusan ku lahayn bangiyada dalka iyo dibaddaba, wuxuu xusay inuu hadalkaasi soo gaaray xilli subax ah isagoo ku quraacanaya canjeelo (canjeero) laga sameeyay galleyda dalka kasoo go’da, iidaankeeduna yahay Saliid laga sameeyo sisinta kasoo go’da dalka ee loo yaqaano Macsarada, warshadda lagu shiidana tahay Geella wadankeenu hodanka ku yahay.
Culimada Muqdisho lagu shiriyay
waxay u badan yihiin dad jagooyin ka haya dowladda Soomaaliya, kuwa heysta dhalashada
wadamo kala duwan oo reer galbeed ah kuna dhaartay iney dalalkaas daacad u
yihiin kana difaacayaan cadawga gudaha iyo kan dibadda, qaar baa shirkado
ganacsi sheerar ku leh, kuwa ayaa hadda ku tala jira iney baayac-mushtar ka
noqdaan dalka. Ma xuma in hanti la sameeysto oo uu qofku naftiisa iyo ummadda
kale ku anfaco, bal waa arrin aad u wanaagsan, laakin waxaa dhibaato ah in
hantidaada, jaahaaga iyo jagadaada ay kaa hor istaagaan inaad xaqa cadeeyso ama
aad ka weecato adigoo garanaya!
Culimada ku shirtay Muqdisho,
waxaan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay arkayay qaarkood oo ka hadlaya weerarada
ay Al-Shabaab geystaan gaar ahaan kuwa ay mararka qaar shacabku wax ku noqdaan,
waxaanan marnaba dhicin in ay ka hadlaan duqeymaha uu Mareykanku ku beegsado
dadka rayidka ah iyo tacaddiyada muuqda ee ay ku kacayaan ciidanka Afrikaanka
ah, waxaa u dambeeyay 7 wiil oo ay diyaaradaha AFRICOM ku dileen Jalalaqsi mana
dhicin wadaad ka hadlay, sababtu waxay tahay… waad garanaysaa!.
Wax na diley ammuur waajib aad kaga baqdaa eede,
Wax na diley dantoo lagu akhiro yuu cadhoon oday’e,
Wax na diley adduun niman raboon eegahayn sharafe,
— Xaaji Aadan: Wax Na Diley
5. UMA QEYBSANA URURO IYO
FIRQOOYIN
Dhammaan culimada kooxdu waxay ka kala yimaadeen urur diimeedyada ka jira wadanka ee uu xifaaltanku ka dhexeeyoo, waxay ku midoobeen la dagaalanka ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa lasocda, waxay aaminsan yihiin seefta iyo dacwada ineysan kala maarmin, labadoodii ayayna isku qaateen. Laba sheekh oo ururo dab iyo basiin isku ah ka kala tirsanaa ayaa wada shaqeynaya oo muxaadaro wada qabanaya, bulshadana isku si wax ugu sheegaya.
Culimada dowladda waa kala urur
iyo kala maslaxad, tusaalaha ugu dhow waxaa laga soo qaadan karaa shirkii
todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho oo gaaray in si shakhsi ah iyo si
koox koox ah la isku weeraro, annagaa saxan iyo idinkaa diinta qalloociyay ee
towbad keena iyo erayo lamid ah ayaa aad uga soo baxayay cod baahiyaasha
goobta, waxaana ka dareemayey in aysan xaaladoodu dhaweyn marba haddii mabaadi’
la isku hayo illaa in koox ka tanaasusho caqiidadeeda mooyaane.
Kala qeybsanaantooda gudaha
dalka waxaa ka daran midka qurbaha, masaajidda waxaa loo kala joogaa
qabiil-qabiil, waxaana la isku dacweeyaa booliska iyo sirdoonada. Gunaanadkii
shirka culimada waxaa lagu sheegay in la dhisayo hay’ad ay ku mideysan yihiin
oo u adeegta diinta islaamka, haddana waxaa loo sheegay iney lagama maarmaan
tahay in golaha sharci dejinta ee Baarlamaanka la horgeeyo, waa diin fasax
looga qaadayo xildhibaanada kuwaas oo xaq u leh iney xalaaleeyaan oo ansixiyaan
ama xaaraantimeeyaan! Xaaladda uu hadda galay wadanka waxaad moodaa iney
shabahayso tii 2009, markaasoo la billaabay abaabul dagaal oo la sheegay in
wadanka looga saarayo Al-Shabaab, ninka dagaalka horkacayana uu ahaa Shariif
Sheekh Axmad oo wadaadada kasoo goostay, taageerana ka heystay sida hadalka loo
dhigayay shacabka iyo ciidamada AMISOM.
Kolkaas waxaa yimid culimo ka
waaya aragsan kuwa hadda Muqdisho lagu shiriyay, waxaa jirtay oo ay heleen fursad ay si xor ah
ugu niqaashi karaan, goobta kulankooda ma aaney fadhiyin mas’uuliyiinta sarsare
ee dowladda, taasoo keentay in dood kadib ay kulanka isaga baxaan raggii
ciidanka shisheeye cadawga u arkayay, halka kuwii kale ee tirada badnaana ay
qaataan go’aan ah in lala safto dowladda, kuwa jihaadka wadana wadanka laga
eryo, hase ahaatee ugu dambeyntii natiijada dagaalku waxay noqotay in Shabaab
sii bullaalaan kana sii xujo adkaadaan wadaadadii ajnabiga hiilka u arkayay.
Gun iyo gabagabo, Akhriste,
xilligaan mareyniyo, xaalkaan ku sugannahay, xuub kaama saarna, waa marxalad
kala guur ah, waa marxaladdii uu gumeystihii Ingiriisku sheegay inuu
dagaalkiisii ugu dambeeyay ku qaadayo Daraawiish dalkana isaga baxayo, waa
marxaladdii uu Mareykanku Afganistaan ka waday dagaalkiisii ugu dambeeyay,
dhowr bilood kadibna uu uga cararay culimadii faraha badnaa ee isaga iyo
xukuumaddii maqaarsaarka ahayd u fatwoonayay. Waxaa ii muuqda iney tahay
marxalad la kala miirmayo oo loo kala baxayo inta raacsan dagaalka isbahaysi ee
Mareykanku garwadeenka ka yahay iyo inta kasoo hor-jeeda ee Islaamnimada ku
mitidaysa.
W/Q: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Stockholm, Swedan