Codad: Ehellada dadkii Mareykanku uu ku xasuuqay Hiiraan oo xogo dheeraad ah bixiyay.

Wednesday February 01, 2023 - 09:36:41
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaarado Drones ah ay maalin ka hor geysteen deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Ehellada 7 carruur ah oo duqeyntaas ku dhintay ayaa warbaahinta usheegay in ubadkooda ay si arxan darra ah uduqeeyeen diyaaradaha Mareykanka.

Dadka ladilay ayay magacyadoodu kala ahaayeen sidan:-

1- Qeys Maxamed Nuur oo 8 sano jir ah.
2- Axmed Khadar Ibraahiim oo 13 sano jir ah
3- Cabdullaahi Maxamuud Ciise oo 14 sano jir ah.
4- Casir Xasan Cabdi oo 14 sano jir ah.
5- Cumar Maxamed Abuukar oo18 sana jir ah
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur oo 18 sano jir ah.
7- Axmed Maxamed Nuur oo 20 sano jir ah.

Qaar katirsan waalidiinta dhalay carruurta ayaa iyagoo murugo ka muuqato lahadlay warbaahinta waxayna sheegeen in dagaalka uu Xasan Sheekh Iclaamiyay uu yahay mid maata lays ah.

Halkan ka dhageyso MP3

Related Items

Update cookies preferences