Maxaad ka ogtahay 3 marxaladood ee Geeska Afriku galey sannadkan cusub.

Tuesday January 31, 2023 - 16:24:04
Liibaan Jeexoow
Geeska Afriku waa goob muhiim u ah dunida, waxa isaga kala goosha maraakiibta caalamiga ah sidoo kale waxa ay leedahay kheyraad dihin oo shidaalku kamid yahay.
Geeska Afriki waa barta ay dhacaan Gacanka Cadmeed oo hore loo oran jirey Gacanka Berbera iyo Badda Cas.

Haddaba sannadkan 2023-ka waxa uu la kowsadey isbedello kala duwan oo beddeli kara qaab siyaasadeedkii gobolkan.
Fashilka DF iyo dhoollatuska Mareykanka Berbera.

Safaaradda Mareykanka ayaa 13 bishan qoraal ku baahisey barteeda, kaas oo ay ku sheegayso in ay dhoollatus ciidan ku samayn doonaan magaalada Berbera iyo dalal kale. Waxaanay sheegeen in ay iyaga iyo maamulkaasi iska kaashanayaan la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada. Arrinkan oo u muuqda mid Mareykanku kaga dhuumanayo fashilka isxig xiga ee diyaaradihiisa iyo malleeshiyaadka uu taageero ka soo gaarey koonfurta dalka.

Mareykanka ayaa raadinaya meel isaga uga amni badan oo gacanta shabaabkuna aaney ka soo gaari karin. DF ee Xamar ka dhisan ayaa qaadatey mar hore qorshe saddex qodob ka koobnaa oo ay kaga hortageyso Shabaabka. Sida u muuqata qorshayaashii laba kamid ah ayaa si weyn u fashilmay. Waxa fashilmay qorshihii gulufka ciidan iyo qorshihii dhanka fikirka ahaa ee Xasan ku baaqey in Shabaabka lala sheegan doono fikirka islaamiga ah ee ay ku baaqayaan. Qodobkan dambe ayaa laga garan karey shirkii culimada loogu qabtey Muqdisho sida guuldarro weyni uga muuqatey. Wadaadadii ka soo qayb galey odey duq oo kamid ahaa ayaa Xasan Sheekh ka codsadey in uu shareecada qaato si khilaafkaba looga baxo, taas baana caddeyn u ah xataa in waxa uu soo dhoob dhoobey aaney isku jihaba u socon.

Haddaba fashilkaas ku yimi labadaas qodob awgeed DF waxay u tafa xaydatey in ay horgeliso midkii maaliyadeed; dagaalka maaliyadda oo ahaa in Alshabaab laga xiro dhammaan ilaha ay lacagi uga iman karto. Qodobkan ayaa suurtagalnimadiisu aad u adag tahay sababtoo ah shacabka badankii wuxu xiriir qoto dheer oo kalsooni ku dhisan tahay la leeyahay wadaadada. Haddii la rabo in Shabaabka dhaqaale laga hor istaago marka hore waa in kalsoonida iyaga iyo shacabka u dhaxaysa la dilaa, taasina suurto gal ma aha. Markaa DF waxay ku qasbanaatey in ay ganacsato gaar ah ka xayirato lacago bangiyo ugu jirey. Shacabku afka waa ka sheegi karaan xumaanta loo nisbeynayo wadaaddada laakiin runtii caddaaladda ay u doontaan maxkamadaha islaamiga ah ayaa wax weyn sheegaysa, caaqilka ayuun baa se fahmi kara.

Ruushka oo saldhiganaya marsada Musawac.

Diblomaasiga ugu sarreeya Ruushka ama Wasiirka Dibedda ee Ruushka ayaa 26-kii bishan ka degay dalka Eretria. Lavrov ayaa kulan la qaatey madaxweynaha dalkaas iyo wasiirka dibedda ee Ereteriya Cusmaan Saalax. Lavrov iyo madaxda Ereteriya ayaa isku afgartey taageero dhinaca millateriga ah.

Haddaba waxaynu ognahay in Ruushku aanu u dhaqaalo badnayn sida galbeedka laakiin uu aad uga hormarsan yahay dhinaca millateriga, welina ay reergalbeedka oo dhami guul ka gaari la’yihiin dagaalka Yukrayn inkasta oo isbahaysigoodu leegyahay. Isbedellada socda ayaa laga yaabaa in ayaa la arkaa in geeska lagaga awood bato reergalbeedka oo u muuqda kuwo wakhtigoodu dhacey. Xataa haddii Ruushka laga guuleysto, guushaasi waxay noqonaysaa mid dhaawacan. Waxaana baraarujin mudan iyaduna heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Farmaajo, Abiy iyo Afwerki wada galeen kaas oo laba kamid ah madaxdii gashey weli xukunka hayaan, kuwaas oo aan u dhego nuglayn reergalbeedka sida Xasan iyo Muuse Biixi.

Qalalaasaha ka soo kordhay Laascaanood.

Dilkii nin dhallinyaro ah oo la oran jirey Hadraawi Sangub ayaa uu ka dhashey kacdoonka Laascaanood kaas oo gaarey in ciidamada maamulka Somaliland dib uga gurtaan magaalada. Kacdoonku kolkii uu sii xoogaystey waxa Hargeysa yimid sida xoguhu sheegayaan wufuud Itoobiyaan ah kuwaas oo kala sheekaystay Muuse Biixi xaaladda cakiran ee Laascaanood.

Abiy Axmed ayaa in badan ka shaqeeyay sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Koonfurta iyo Waqooyiga laakiin kuma guuleysan madax adeyga siyaasiyiinta waqooyi awgeed. Haddaba Abiy wuxu siyaasadda Somaliland u arkaa mid aad ugu janjeedha reergalbeedka, taas oo Xasan Sheekhna kala mid yahay.

Abiy waa laga yaabaa in furfurka Somaliland uu fursad u arko laakiin taliska Xamar ka jiraa taas wuxu u arkaa lafjab. Taliyihii Booliska DF ee Xijaar waxa loo aaneeyaa xilka qaadistiisii xaaladda Laascaanood ka taagan. Xasan Gurguurte waa nin aad ugu dhego fudud reergalbeedka, marar badanna warbixinaha ay qori jireen aqoonyahanka Eretriya maalmihii hadal haynta ciidamada ee Amara socotey waxa ay aad ugu eedeynayeen nin galbeedka u habacsan, akhristuhu wuxu warbixinaha qaar ka heli karaa Tesfanews oo Eretria laga leeyahay . Dhanka kale jaaniska Shabaabka ee Laascaanood baa isna aad u kordhi kara taas oo laga yaabo in waqooyigana uu ku faafo fikirka jihaadiga ahi.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences