Diyaaradaha Mareykanka oo 7 qof shacab ah ku dilay deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

Monday January 30, 2023 - 19:39:01
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa dad shacab ah kasoo gaaray duqeymo hor leh oo diyaaradaha dowladaha shisheeye ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha duuliye la'aanta ah ee dowlada Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee maanta deegaanka Quracley ee hoostaga degmada Jalalalaqsi ee gobalka Hiiraan ku duqeysay dad shacab ah oo isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato.

7 wiil dhalinyaro ah oo ay ku jiraan 4 wiil oo isla dhalatay oo geed hoostiisa ku wada sheekeysanayay ayey diyaaradu gantaal ku dhufatay gabi ahaan todobada wiil isla goobta ayey ku dhinteen.

Wiilasha diyaadaradaha Mareykanka duqeynta ku dileen ayaa xilligaas kasoo laabtay beero iyo xoolo daajis oo saaka ay ku kalaheen iyagoo daallan ayey geedka hoos fadhiisteen si ay ugu nastaan uguna sheekeystaan.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay duqeymo laayaan ah ka geysanayay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Related Items

Update cookies preferences