Muuse Biixi: Ciidanku kama baxayo Laascaanood ee wuu daafacayaa.

Monday January 30, 2023 - 19:09:58
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadley xaaladaha ka soo cusboonaatey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Hadal gaaban oo uu Muuse jeediyay maanta ayaa waxa uu ku sheegay in qaska Laascaanood ka socda ay wadaan kooxo uu ugu yeeray argagixiso.
Waxa kale oo uu sheegay in aanay ka baxayn magaalada Laascaanood oo ay ka daafacayaan cadowga Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigey eh. Muuse ayaa dhanka kale ku boorriyey shacabka reer Laascaanood in ay dib ugu noqdaan hawl maalmeedkoodii caadiga ahaa sida goobihii waxbarasho iyo caafimaad.

Muuse Biixi ayaa sida ay u muuqato go’aan ku gaarey in uu xabbad kala hortago isimada dhaqanka ee ku shiraya Laascaanood kuwaas oo uu rabo in uu cabburiyo. DF Soomaaliya mawqifkeeda ku aaddan Laascaanood ayaa ahaa sida Xasan Sheekh mar hore ka dhawaajiyey in xal wadahadal nabadeed labada dhinac gaaraan.

Garaadka guud ee SSC ayaa isagu mar hore shuruud ku xirey wadahadallada Somaliland iyo beeshiisa, shardigaas oo ah in ay ciidanka Somaliland ka baxaan dhulkooda. Isku soo wada duuboo xaaladda Laascaanood ayaa u muuqata mid colaadeed.

Related Items

Update cookies preferences