Ku dhawaad 70 ruux ayaa maanta oo kaliya u geeriyooday shilal kala duwan oo ka kala dhacay wadamada Pakistan iyo Peru, iyadoona tafaasiil dheeraad ah laga helayo qaabka ay u dheceen shilalkaas.
Wararka ka imaanaya wadamada Pakistan iyo Peru ayaa sheegaya, in maanta oo Axad in ka badan 60 ruux ay ku dhinteen shilal gaari oo midkood uu ka dhacay Pakistan, kan kalena uu ka dhacay dalka Peru, taas oo muujineysa in shilalka gawaarida ay gallaafnayaan nolosha dad badan, marka laga soo tago khasaaraha hantiyeed ee ka dhasha shilalkaas.
Haddaan ku horreyno dalka Pakistan: Masuul u hadlay gobalka Bolojistan ayaa sheegay, in uu qarxay gaari bas ah oo ay saarnaayeen 48 ruux, ka gadaal markii uu ku dhacay mid kamid ah baallayaasha wadooyinka, taas oo sidoo kale sababtay inuu ka dhaco buundadii uu ku socdaalayay, iyadoona ay dhinteen badi dadkii saarnaa gaarigaas.
Warbixinnada horushaca ah ee laga helayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaan ayaa sheegaya, dhimashada ugu yaraan 40 ruux oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga baska ah, iyadoona dhanka kale lasoo bad baadiyay 4 kamid ah dadkaas.
Masuul katirsan xukuumadda Islamapad ayaa saxaafadda u sheegay, in qolyaha gar gaarka ay usuuragashay iney soo saaraan meydadka ugu yaraan 39 ruux, isagoona sheegay in dadkaan lagu sameyn doono baaritaan xagga DNA-da ah, si loo ogaado aqoonsigooda, maadaama aan lakala garan karin dadkaas, sababo ku aaddan dhaawacyada culus ee soo gaaray jirkooda.
Sida ay tabineyso wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, wadooyinka ku yaalla dalka Pakistan ayaa lagu tiriyaa iney yihiin kuwa ugu halista badan caalamka, dalkaan ayaana marti galiyay shilal uu dhiig badani ku daatay, iyadoona sidoo kale inta badan basaska ka howlgala dalkaan ay qaadaan rakaab ka badan kii loogu tala galay gaariga.
Balse wakaaladda wararka ee Jarmalka ayaa dhankeeda sheegaysa, in sababta ay Paksitan ula daalaa dhaceyso shilalaka nucaan ah ay tahay wadooyinka oo bur bursan, gaadiidka oo aan laheyn dayactir wanaagsan, iyo darawallada oo ay xirfadoodu yartahay, arrimahaas oo is biirsaday ayayna sabab uga dhigtay shialka ku sii badanaya dalka Pakistan.
Hey'adda sheegata caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in hal sano oo qura ay dalka Paksitan ka dhigeen shilal aad ubadan, kuwaas oo gallaaftay nolosha kumannaan ruux, Sannadkii 2018-ka oo kaliya ayayna sheegtay in wadooyinka Paksitan laga soo diiwaan galiyay 27-kun oo shilal ah.
Dhinaca kale dalka Peru waxaa isana ka dhacay shil gaari oo kan lamid ah, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 30 ruux, iyadoona faah faahin dheeraad ah laga bixiyay sababta keentay shilkaan.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 24 ruux ayaa ku dhimatay, kadib markii gaari bas ah uu ka dhacay goob tog ah oo ku taalla Mandiqadda Biyuura ee dhacda woqooyiga caasimadda dalkaas, sida uu sheegay boliska dalka Peru.
Wararka ayaa intaas ku daraya in shilkaan ay sidoo kale kud haawacmeen tiro dad ah, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, islamarkaana la dhigay goobaha caafimaadka, waxaana gaarigaan baska ah saarnaa 60 rakaab oo ay ku jreen muwaadiniin kasoo jeeda dalka Haiti.
Gaarigaan baska ah ayaa kasoo baxay caasimadda dalka Peru ee Liima, isagoona kusii jeeday Magaalada Tombis ee dhacda xuduudda uu dalkaas la wadaago Ikwadoor, balse waxa uu si lama filaan ah ugu qallibmay duleedka caasimadda, iyadoona aysan bolisku bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan shilkaan.