Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo xalay lagu qaaday mid kamida saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.
Dagaalyahanno hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar toos ah ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in weerarkaas ay ku dhinteen illaa 2 askari oo katirsan ciidanka booliska dowladda.
Dhinaca kale weerar culus ayaa xalay saqdii dhexe lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladdu ku leeyihiin xaafadda Neeshinka ee degmada Janaale ee Sh/hoose.