Shir weyne ay isugu yimaaddeen xubnaha dhaqanka beesha Dhulbahante ayaa maanta lagu qabtey xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.
Shirka waxa ka soo qayb galey dhowr iyo tobanka isim ee beesha, ganacsato iyo aqoonyahanka beesha.
Garaadka guud ee beesha ayaa jeediyey hadal isugu jiray duco iyo sida beesha ay uga go’an tahay in aaney Soomaali kala goynin. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa mar wax laga weydiiyey xaaladda gobolkaas ka taagan sheegay in aaney isaga waxba ka khusaynin isla markaana aan ĺa weydiin karin wax khuseeya arrinkaas.
Maamulka Somaliland ayaa marar dhowr ah u direy Laascaanood ergooyin kala duwan laakiin waxba isu soo dhawaansho ahi kama suuro gelin. Somaliland ayaa tan 1991 ku doodeysa in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale xuduudaheeduna ay ku egyihiin gobolkaas, halka beesha Khaatumo ay si adag uga soo horjeesatey go’aankaas.