Reysal Wasaaraha Itoobiya ayaa safar ku tagey dalka Suudaan. Abiy ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Booqashadan ayaa salka ku haysa sida wararku sheegayaan biyo xireenka Nahda iyo iska hor imaadyo ka dhacey xuduudda labada dal ay wadaagaan.
Xaaladda kacsan ee xuduudka labada dal
ayaa kor u kacaysay illaa madaxa golaha sare ee Suudaan Cabdifataax
Burhaan uu RW Itoobiya kula kulmay magaalada Baxardaar bishii October
2022 markaas oo xaaladdu ay yara degtay.
Sannadkii ina dhaafey ayaa kooxo hubaysan oo Itoobiyaan ahi weerraro ka geysteen xuduudka bari ee Suudaan, markaas oo Addis Ababi sheegtay in ay yihiin malleeshiyaad aan ka amar qaadan iyaga.
Labadan dal ayaa waxa haysta dhibaatooyin siyaasadeed iyo duruufo isu dhow.
Suudaan waxa ka socda mudaharaadyo ay shacabku kaga soo horjeedaan nidaamka suudaan oo loo arko in uu ku fashilmay hoggaaminta dalka. Halka Itoobiya ay haysato dhibaato siyaasadeed iyo dagaallo qoomiyadood oo sannadihii ugu dambeeyay halakeeyay gobolka waqooyi ee Tigrey.