Ciidanka Yuhuudda oo dad shacab ah ku laayey daanta galbeed ee Falastiin.

Thursday January 26, 2023 - 13:58:33
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhanka Falastiin ayaa sheegaya in ciidamada Yuhuuddu ay gaboodfallo u gaysteen dad shacab ah oo Falastiiniyiin ah.
Sida ay sheegayaan ilaha hay’adaha caafimaad ee Falastiiniyiintu waxa weerraro ay Yuhuuddu ka fuliyeen Xerada Qoxootiga Jeniin lagu diley 9 qof oo ay ku jirto haweenay da’ ahi halka 13 qof oo kale ay dhaawaceen.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in dilku markii hore ahaa saddex qof iyo dhaawacyo kale oo halis ah. Wasaaradda ayaa intaa ku dartey in xaaladda xerada Jeniin ay aad u daran tahay isla markaana ciidanka Yuhuuddu ay gudaha u galeen Cusbitaalka xerada iyaga oo dadkii u adeegsadey sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dhanka Raamallah waxa ay masuuliyiinta Falastiin ku baaqeen tallaabo degdeg ah oo caalamiya in laga qaado maamulka gumeysiga Yuhuudda ka dib dilalka Xerada Jeniin. Masuul ku hadley afka xukuumadda Falastiin oo lagu magacaabo Nabiil Abu Radiina ayaa sheegay in waxa xerada Jeniin ka socdaa tahay gumaad uu maamulka Yuhuuddu u geysanayo dadka shacabka ah isla markaana dunidu ka aamusan tahay.

Shacabka reer Falastiin ayaa gumeysi sii xoogeysanayay marba marka ka dambeeya ku jirey illaa 1948 markii dhidibbada loo taagey maamulka Yuhuudda.

Related Items

Update cookies preferences