Wararka ka imaanaya degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus oo lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Mareykanku ku shaqaysto ee Danab ay ka dhaceen duleedka Xaradheere.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baraag Ismaaciil ee dhaca duleedka Xaradheere, waxaana dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan lagu jebiyay ciidamada Danab.
Sida aan kasoo xiganay ilo xog-ogaal ah, ciidamada Danab oo ka soo baxay degmada Xaradheere ayaa dagaalku wuxuu ku qabsaday deegaanka Baraag Ismaaciil kadib markii ay jidka u galeen ciidamada Al-Shabaab.
Ciidamada Danab ayaa dib ugu laabtay dhanka degmada Xaradheere, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada kuwaas oo la geeyay Xaradheere.
Diyaaradaha Maraykanka oo dusha ka ilaalinayay ciidamada Danab duqayn ka fuliyay furinta dagaalka si ay u badbaadiyaan ciidamada Danab oo ay ka sii baxsanayay furinta dagaalka ayna cayrsanayeen ciidamada Al-Shabaab.
Degmada Xaradheere oo ay dhawaan qabsadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Soomaali iyo Maraykan ayaa waxaa daafaha ka fadhiya ciidamada Al-Shabaab, waxaana ciidamada huwanta ah ku adag iyo magaalada ka baxaan ama uu gurmad u yimaado.
Magaalada ayaa dhanka kale haawanaysa iyadoo dhamaan dadkii deganaa ay ka qexeen kahor intii aysan qabsdan ciidamada huwanta ah.