Ciidamada maamulka 'Somaliland' oo laga qabsaday deegaanka Tukaraq.

Wednesday January 25, 2023 - 13:04:58
Liibaan Jeexoow
Kadib iska hor'imaad kooban oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sool ayaa ciidamada maamulka 'Somaliland' lagala wareegay dhowr tuulo oo muhiim ah.
Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maleeshiyaad deegaanka ah ay qabsadeen tuulada Tukaraq oo qiyaastii 50Km ujirta xarunta gobolka Sool.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo hubaysan oo ku sugan koontaroolka Tukaraq kuwaas oo dhammaan xarumuhii maamulka deegaanka ka dajinaya calamada maamulka 'Somaliland'.

Lawareegista deegaanka Tukaraq ayaa ka dhigan in maamulka uu madaxda ka yahay Muuse Biixi uu si dhammeystiran u khasaariyay hanashaqada magaalada istiraatiijiga ah ee Laascaanood.

Related Items

Update cookies preferences