Al Shabaab oo Muqdisho ku dilay saraakiil ku lug lahaa abaabulka maleeshiyaadka Macaawisleyda.

Wednesday January 25, 2023 - 08:38:47
MeMo Staff
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa xalay xaafadda Lafweyn ee degmada Yaaqshiid ku dilay Daahir Maxamuud Cosoble oo loo yaqaan Sanweyne.

Ninkan ladilay ayaa kamid ahaa saraakiishii dowladda Federaalka ee abaabulay duullaankii lagu qaaday gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Aadan Yabaal.

Weerar kale oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa lagu dilay Muxudiin Axmed Cumar oo kamid ahaa Ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka Galmudug islamarkaana ka mid ahaa saraakiishii abaabulay maleeshiyaadka Macaawisleyda Sh/dhexe.

Related Items

Update cookies preferences