Kenya ku dhowaad 80 qof oo udhintay cudurka Daacuunka.

Wednesday January 25, 2023 - 08:34:28
MeMo Staff
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa shaacisay in 78 qof ay cudurka dacuunka u dhinteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay, halka 4,186 kalena gooba kala duwan lagu daaweynayo.
Wasiiradda caafimaadka Kenya Susan Wafula oo xariga ka jareysay dawooyin iyo agab kale oo looga hortagayo fidida cudurka dacuunka ayaa sheegatay in 14 maamul uu u sameyay cudurkaasi, haddana ay dad badani qarka u saran yihiin in ay u dhitaan.

Degaannada sida halista ah uu cudurkaasi ugu sii fidayo waxaa kamid ah koonfurta Wajeer oo malintii shalay 4 qof ay cudurkaasi ugu dhinteen.

Waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo aadan ay xanuunka dartiisa ay ku le'daan tobaneeyo qof oo kasoo jeeda wadankan oo kamid ah dalalka ay ku noolyihiin dadyowga ugu faqrisan qaarada Afrika.

Related Items

Update cookies preferences