Dagaallo ka dhacay duleedka Beledweyne iyo madaafiic lagu weeraray Maxaas.

Tuesday January 24, 2023 - 17:25:53
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weeraro culus ay ka dhaceen degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas.
Iska hor'imaadyo culus ayaa maanta barqadii bariga magaalada Beledweyne ku dhaxmaray ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda.

Wararka laga helayo degmada Maxaas ayaa sheegaya in dhowr madfac lagu weeraray saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ku leeyihiin gudaha magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta dhowr madfac oo ku hoobanayay gudaha magaalada, qiic iyo uuro madoow ayaa cirka isku shareeray degmada Maxaas balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale weerar madaafiic ah loogu qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada Xabashida ay ku leeyihiin degmada Maxaas.

Related Items

Update cookies preferences