9 Madfac oo lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Tuesday January 24, 2023 - 17:04:23
Liibaan Jeexoow
Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa maanta gelinkii dambe laga maqlay xayndaabka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ka dhasheen madaafiicda hoobiyaasha oo lagu weeraray aqalka madaxtooyada balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in illaa 9 madfac ay ku weerareen xarunta madaxtooyada islamarkaana 3 kamid ah madaafiicda ay ku dhaxeen guriga uu Xasan Sheekh ka degganyahay Villa Somalia.

Related Items

Update cookies preferences