Dowladda Ingiriiska oo Itoobiya ugu deeqaysa lacag dhan $20milyan.

Tuesday January 24, 2023 - 17:03:28
Liibaan Jeexoow
Dowladda Ingiriiska ayaa £16.6 milyan oo lacagta Ingiriiska ah ugu yaboohday dowladda Itoobiya si wax loogaga qabto dagaallada iyo abaaraha waddankaas foodsaarey.
Andrew Mitchel oo ah Wasiirka Horumarinta Ingiriiska ayaa 20-kii bishan ku dhawaaqay in ay ugu deeqayaan Itoobiya lacag dhan £16.6milyan oo u dhiganta $20milyan. Lacagtan oo uu sheegay in ay u bixinayaan si wax loogu qabto in ka badan 600,000 oo qof oo ku nool meelaha ay xasillooni darradu ka jirto.

Deeqdan ayaa loo qorsheeyay in lix iyo tobanka milyan £11.6 kamid ah lagu qarash gareeyo hawlaha gargaarka bini aadannimo sida ay xogtu tibaaxayso, waxaana la gaarsiin doonaa 250,000 oo qof oo ku kala nool deegaannada Amxaaradda, Tigreyga, Oromada, Canfarta iyo waliba gobolka Hererida. Dadkaas oo sida la sheegay ku nool xaalad faqri oo aad u daran.

Baaqiga lacageed ee soo harey oo noqonaya 5milyan oo pound waxa loogu adeegi doonaa hooyooyinka uurka leh sida ay warbixintu sheegtay, waxaana la sii dhexmarin doonaa hay’adda loogu yeero WFP. Waxa sidoo kale warbixinuhu tibaaxayaan in ay jiraan 23kun oo hooyooyin uur leh ah kuwaasoo ay haleeleen nafaqo darro darani.

Itoobiya ayaa ah dal ay hareeyeen xaalado amni iyo kuwo cunto oo darani taas oo la saadaalinayo in ay ka sii dari doonaan sannadaha soo socda. Deegaannada Soomaalida, Oromada iyo Canfartaba waxa ka jira dagaal beeleedyo halka deegaannada kore ee Ereteriya iyo Tigreega ay weli ka taagan tahay xaaladdii colaadeed ee waddanku galey aakhirkii 2020-kii.

Dhawaan bay ahayd markii Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF uu sheegay in weli ciidanka Ereteriya ay ku sugan yihiin deegaankooda.

Related Items

Update cookies preferences