Maamulka Somaliland oo war ka soo saarey shirka odayaasha dhaqanka ee Laascaanood.

Tuesday January 24, 2023 - 17:01:31
Liibaan Jeexoow
Maamulka la baxey Somaliland ayaa warsaxaafadeed ka soo saarey shir odayaasha dhaqanka ee gobolkaas uga furmaya magaalada Laascaanood.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Maxamed Kaahin iyo wasiirro kale oo ka tirsan Somaliland ayaa si wada jir ah u soo saarey war saxaafadeedkan.

"Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an in wada hadal lagu dhammeeyo wax kasta oo tabasho ah oo ka jira gobolka sool. Sidaa darteed JSL waxay soo dhaweynaysaa shirkasta oo dhaqan oo ay beeluhu qabsanayaan oo aan ka hor imanayn jiritaanka Somaliland” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Waxa sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay in cid kasta oo ka tirsan maamul kale, urur kale ama dowlad kale looga digayo in ay soo farageliyaan xaaladda ka taagan gobolka Sool.

Badiba gobolka Sool ayaa gacanta ugu jirey maamulka la baxey Somaliland muddo dhowr iyo toban sano ah laakiin waxa in muddo ah ba isa soo tarayey dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo rag siyaasiyiin ah oo gobolkaas ka soo jeeda taas oo ugu dambayn dhalisey kacdoom dadweyne 27 December, 2022.

Related Items

Update cookies preferences