Toogasho Galaafatay Nolosha Dad Badan oo Kadhacday Dalka Maraykanka.

Monday January 23, 2023 - 07:35:49
MeMo Staff
Nin hubaysan ayaa 10 qof ku dilay magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Maraykanka.
Ruuxan ayaa weerar ku qaaday goob ay ka socotay xaflad loogu dabbaaldegayo sannadka cusub.

Ninka hubaysan ayaa isku dayay inuu u sii gudbo qol kale oo ay xafladi ka socotay, hase ahaatee uma suuro gelin inuu beegsado, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka California.

Haatan waxaa socda baadigoob la doonayo in lagu soo qabto eedaysanaha dilkan geystay.
Taliyaha booliska ee degmada LA Sherrif Robert Luna ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay shan haween ah iyo shan rag ah, halka lagu dhaawacay illaa 10 qof oo kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro nin hubaysan oo gudaha u galay goob kale oo xafladi ka socotay.

Illaa haatan ma cadda inuu xiriir ka dhexeeyo labada dhacdo, hase ahaatee masuuliyiinta Los Angelis ayaa aaminsan in hal eedaysane loo malaynayo inuu wada fuliyey labada dhacdo, kaas oo ah nin u dhashay qaaradda.

Maraykanka ayaa noqday sanadkii lasoo dhaafay iyo midka haatan bilowga ah dal marti galiyey toogashooyin badan oo galaaftay nolosha dad iskugu jira caruur, dhalinyaro iyo waayeelo intaba.

Related Items

Update cookies preferences