Al-Shabaab oo shaaciyay in ay 34 'murtad' ku dileen weerarka ka socda Muqdisho welina gacanta ku hayaan xarunta Gobolka.

Sunday January 22, 2023 - 17:33:23
MeMo Staff
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadoodu si buuxda gacanta ugu hayaan dhismaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne, iyagoo iska caabiyay isku dayo dhawr ah oo ay ciidamada DF iskugu deyeen inay kusoo ceshto gacan ku haynta xarunta. Warsaxaafadeedka Al-Shabaab ayaa u qornaa sida soo socota:
"29 Jamadu-Thani 1444H (22 Janaayo 2023) – Iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay howlgal Inqimaasi ah ku bartilmaameedsadeen xarunta waxa loogu yeero maamulka gobolka Banaadir ee ay ku shaqeeyaan saraakiisha ridada ah ee cadawga u qaabilsan dhibaataynta shacabka Caasimada. Halyeeyada ka tirsan katiibada Istish-haadiyiinta ayaa gudaha ugu galay xarunta la beegsaday kadib markii ay – Allaah fadligiis – ka gudbeen dhamaan xeeyndaabyadii cadawga iyo barihii koontorool ee ay aminigooda ka ilaalinayeen.

Halyeeyada Islaamka ee u dagaalamaya difaaca shareecada Islaamka iyo koryeelida kalimada Tawxiidka ayaa gudaha xarunta ridada ee gobolka Banaadir ku laayay cadaw farabadan, waxaana khasaaraha dhimasho ee ilaa hada la xaqiijiyay uu gaarayaa 34 murtad kuwaas oo isugu jira mas’uuliyiin, shaqaale maamul, saraakiil iyo askar ka tirsan ridada.

Hawgalku weli waa uu socdaa, waxayna Mujaahidiinta inqimaasiyiinta ah si buuxda gacanta ugu hayaan dhismaha xarunta ridada gobolka Banaadir, iyagoo iska caabiyay isku dayo dhawr ah oo uu cadawgu si naflacaarinimo ah iskugu deyay inuu kusoo ceshto gacan ku haynta xarunta.

Allaah ayaan u mahadcelineynaa waxaanan bogaadinayeynaa halyeeyadaas dhiigooda u huraya koryeelidda kalimadda Allaah, waxaana leenahay Allaah ha aqbalo camalkiina, Jihaadkiinana ha barakeeyo. Cadowga Allaah waxaan leenahay haku riyoonina inaad gabbaad aamin ah ka heshaan goobaha aad ku dhuumaalaysataan iyo dhagxaanta aad isku wareejisaan, hawlgallada Mujaahidiintuna waxay ahaan doonaan kuwo isdabajoog ah bi’idnillaah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysaa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso. Allaah, subxaanahu watacaalaa, wuxuu yiri:

وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّى لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ لِلَّهِ فَإِنِ انْتَهَوْا فَلَا عُدْوَانَ إِلَّا عَلَى الظَّالِمِينَ [البقرة:193]

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DF.

Related Items

Update cookies preferences