Xarunta Gobolka Banaadir oo la Weeraray iyo Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray.

Sunday January 22, 2023 - 13:10:54
MeMo Staff
Qarax aad u weyn ayaa daqiiqado kahor lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne, waxaana xiigay ciidamo hubaysan oo gudaha u galay xarunta halkaasna toogasho ka billaabay.
War kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa durbadiiba lagu sheegay in ciidamo gaar ah oo katirsan Al-Shabaab ay weerar qorshaydan ku qaadeen xarunta isla markaana ay gudaha ugu jiraa.

""Hawlgal inqimaasi ah ayay haleeyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mujaahidiintu daqiiqado kahor ka billaabeen Magaalada Muqdisho. Hawgalka  waxaa lagu beegsaday xarunta waxa loogu yeero maamulka gobolka Banaadir ee ay ku shaqeeyaan saraakiisha ridada ah ee cadawga u qaabilsan dhibaataynta shacabka Caasimada" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska ciidamada Al-Shabaab uuna ku saxiixnaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

"Halyeeyada ka tirsan Mujaahidiinta ayaa hada gudaha ugu jira xarunta la beegsaday kadib markii ay laayeen ilaaladii xarunta, waxayna halkaas ka wadaan xaqiijinta hawgalkii loosoo xilsaaray. Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha'Allaah" ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka Al-Shabaab.

Bishii Juulaay sanadkii 2019 ayay ahayd markii qarax ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir lagu dilay gudoomiyihii maamulkaas Cabdiraxmaan Yariisoow iyo masuuliyiin iyo saraakiil farabadan oo ka tirsanaa maamulkaas.

Related Items

Update cookies preferences