Dowladda Mareykanka oo ka Tacziyaysay dhimashada Gaashaanlle Xasan Tuure.

Saturday January 21, 2023 - 12:46:36
Liibaan Jeexoow
Waxaa isasoo taraya jawaab celinnada laga bixinayo khasaarihii lixaadka lahaa ee maleeshiyaadka Danab kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in ladilay Gaashaanlle Xasan Tuurre oo ahaa taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka Danab islamarkaana ahaa madaxa howlgallada.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Tuurre uu ahaa sarkaal muhiim u ah ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Xukuumadda washington ayaa ka tacsiyeeysay hallaagga taliyihii murtazaqadooda Soomaaliya Xassan Tuurre iyagoona sheegtay inuu ahaa sarkaal naftiisa u huray Soomaaliya balse xaqiiqdu ay tahay in uu ahaa calooshiis u shaqeyste naftiisa u huray danaha Mareykanka oo aanu cidna tabi doonin booskiisana ay ku bedelan doonto ma liibaane kale ah!!

Related Items

Update cookies preferences