Weeraro lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo Itoobiya ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Saturday January 21, 2023 - 09:20:34
MeMo Staff
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay qaar kamid ah gobolada dalka ka dhacay weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen xeryo iyo fariisimo ay leeyihiin askarta DF iyo kuwa shisheeye.
Ugu horeyn wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Hoose ayaa kuwaramaya in xoogag jihaadi ah ay xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Uganda ee deegaanka Shalambood.

Wali wax war ah kama soo bixin howlgalkaas oo sheegaya khasaaraha halkaas kasoo gaaray askarta Shisheeye.

Isla gobolkaas Al-Shabaab ayaa xlaya weerar ku qaaday saldhigyada maleeshiyaatka DF ee buundooyinka demada Jannaale iyo Deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye.

Sidoo kale wali halkaas wax war ah kama soo bixin oo qeexaya xadiga khasaaraha halkaas ka dhashay.

Dhanka gobolka Baay wararka aynu ka heleyno ayaa tibaaxaya in jihaadiyiin ay shalay dagaal toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya  ee degmada Diinsoor.

Wali wax war ah kama soo bixin howlgalkaas oo sheegaya khasaaraha halkaas kasoo gaaray askarta Shisheeye.

Isla goblkaas Ciidamada xarakada waxey galinkii dambe ee shalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka DF ee deegaanka Goof gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhabo.

Waxaa halkaas askarta DF uga dhaawacmay ilaa 3 askari.

Aynu eegno dhanka goblka Jubooyinka, wararka halkaas ka imanaya ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow.

Wali wax war ah kama soo bixin howlgalkaas oo sheegaya khasaaraha halkaas kasoo gaaray askarta Shisheeye.

Ugu dambeyn ciidamada Al-Shabaab waxey saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen kontaroolka maleeshiyaat DF ay dhisatay dowlada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Saddex Goso ee hoostaga magaalada Haameey ee gobalka Gaarisa ee ay gumeysato Kenya.

Related Items

Update cookies preferences