Mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo degmada Kaaraan lagu dilay.

Thursday January 19, 2023 - 13:47:45
Liibaan Jeexoow
Liibaan Maxamed Xaash madaxii Canshuuraha Kaaraan
Liibaan Maxamed Xaash madaxii Canshuuraha Kaaraan
Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa ka socda dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee Bariga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in ladilay Liibaan Max'med Xaanshi oo ahaa madaxii Canshuuraha degmada Kaaraan.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay mas'uulka katirsan qeybta Canshuuraha gobolka Banaadir.

Related Items

Update cookies preferences