Congo 49 Qof oo Laga Helay Xabaal Wadareed.

Thursday January 19, 2023 - 07:36:35
MeMo Staff
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xabaalo wadareedyo ay ku jiraan meydadka 49 qof oo rayid ah laga helay woqooyiga bari ee dalka Congo, ka dib weeraradii is xigxigay ee dhacay Sabtidii la soo dhaafay.
Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq oo warbaahinta kula hadlay magaalada New York ayaa sheegay in qubuuraha laga helay laba tuulo oo ka tirsan gobolka Ituri oo qiyaastii 30 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Bunia.

Tuulada Nyamamba waxaa laga helay xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa 42 meyd ah oo lix ka mid ahi ay caruur ahaayeen, halka meydadka toddoba qof oo kalena laga helay tuulada Mbogi.

"Ciidamada Nabad ilaalinta ayaa roondo ku tegey aagaas, waxayna isla markiiba heleen warbixino ku saabsan weeraro lagu dilay dad rayid ah oo ay geysteen maleshiyaadka lagu magcaabo CODECO, weeraradaas ayaa dhacay dhamaadka usbuucii hore, markaas ka dib ayay sahan sameeyeen, waxayna ku ogaadeen dhacdooyinkan naxdinta leh" sidaas waxaa sheegay Farhan Haq.

Maamulka maxalliga ah ayaa sheegay in maleeshiyada CODECO ay sidoo kale afduubteen haween fara badan intii ay wadeen weeraradan.

Related Items

Update cookies preferences