Dhulka Soomaalida Itoobiya gummeysato oo colaado hor leh kaga socdaan deegaannada Oromada iyo Canfarta.

Wednesday January 18, 2023 - 11:09:07
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya haysato ayaa laga soo sheegayaa qayllo dhaan colaadeed oo lagu hayo dadka Soomaalida ah ee deggan xuduudaha deegaankoodu uu la wadaago qoomiyadaha la deriska ah ee Canfarta iyo Oromada.
Cali Samirre Sigad oo ah wasiirka xuduudaha iyo xallinta khilaafaafka deegaanka Soomaalida ayaa bixiyey warbixin xasaasi ah oo uu kaga hadlay dhibta lagu hayo dadka Soomaalida ah ee xuduudka la wadaaga qoomiyadaha Canfarta, Oromada iyo weliba deegaanka Dirirdhabe oo isagu leh ismaamul u gaar ah.

Wasiir Cali ayaa sheegay in xafiiskiisu waxa keliya oo uu qaban karaa ay tahay warbixin iyo in dowladda la gaarsiiyo dhibta lagu hayo dadka Soomaaliyeed, taasna ay sameeyeen oo ay gaarsiiyeen xukuumadda deegaanka ka jirta.

Deegaanka Soomaalida oo ka kooban 11 gobol iyo 95 degmo ayaa baaxadda dhulkiisa lagu qiyaasaa 350,000KM² isla markaana aan lahayn maamul adag oo ugu yaraan dadka uu magacooda wax ku qaato ka hor joogsada dagaalka tirada badan ee lagu hayo.

Related Items

Update cookies preferences