Faah Faahin: Gaashaanlle sare Abshir oo lagu dilay dagaalkii Xawaadleey iyo gaadiid laga furtay ciidanka dowladda.

Tuesday January 17, 2023 - 09:30:23
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Xawaadley ee dhaca duleedka degmada Balcad gobolka Sh/dhexe.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaankan istiraatiijiga ah ee Xawaadley waxayna dileen tobanaan askar iyo saraakiil ah.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalkii saaka lagu dilay taliye sare oo katirsanaa ciidamada dowladda islamarkaana gaadiid dagaal lagasoo furtay saldhigga ciidanka.

Gaashaanlle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Jimcaale Shitaqeey oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii maanta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkii Xawaadleey maleeshiyaadka dowladda looga qaatay illaa Afar gaari oo ay qoryaha waaweyn ku xiranyihiin halka laga gubay afar kale.

Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay weerarkan ka dhacay Xawaadley iyo khasaaraha saraakiisha gaaray, Cali Wajiiz oo katirsan wasaaradda Awqaafta DF-ka ayaa ka tacziyeeyay dhimashada Gaashaanlle Abshir iyo dhowr katirsan ilaaladiisa.

Related Items

Update cookies preferences