Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha Shiin Jaang(Qin Gang) ayaa booqasho rasmi ah ku tagey dalka Masar.
Wasiirka ayaa la kulmay dhiggiisa Masar Saamix Shukri, Booqashadan ayaa immanaysa xilli wasaaradda dibedda ee Shiinuhu ay qaadatey qorshaha xoojinta xiriirka Shiinaha ee qaaradda Afrika.
Wasiir Shiing ayaa bilaabey socdaalkiisa 9-kii bisha February ee aynu ku jirno.
Wasiir Shiing ayaa bilaabey socdaalkiisa 9-kii bisha February ee aynu ku jirno.
"Masar waxaanu ka wada hadalnay qadiyadda gobolka iyo sidii loo ixtiraami lahaa madax bannaanida waddamada loogana ilaalin lahaa faragelinta” ayuu yiri Qin Gang. Waxa isaguna dhankiisa hadley wasiirka dibedda Masar Saamix Shukri kaas oo sheegay in ay dardar gelinayaan sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa hore safarro ugu marey dalalka Itoobiya, Gaaboon, Angoola iyo Beniin. Shiinaha ayaa ah dhaqaalaha labaad ee adduunka marka laga yimaaddo Mareykanka kuwaas oo ku hirdamaya sidii ay ukala xodxodan lahaayeen waddamada Afrika.
Ugu dambayn safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee afar sano gudahood Wasaaradda Dibedda ee China ku tegayso Xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira.