dilal loo geystay muwaadiniin Soomaali ah oo ka dhacay Mareykanka & Koonfur Africa.

Monday January 16, 2023 - 08:55:07
MeMo Staff
Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ruux Soomaali ah lagu dilay gudaha wadankaasi.
Ruuxa ladilay oo ahaa wiil dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu toogtay xaafad katirsan magaalada minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booliska Maraykanka wax faahfaahin ah kama bixinin dhacdadaani lagu dila ruuxa Soomaaliga, waxayna qayb ka noqonaya toogasooyinka isdaba joog ah ee ka dhacaya gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.

Related Items

Update cookies preferences