Al-Shabaab oo war kasoo saaray weeraro ay ka fuliyeen Halgan iyo Maxaas [BAYAAN]

Monday January 16, 2023 - 07:34:38
Liibaan Jeexoow
War Saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faahfaahiyey weeraro kala duwan ay ka fuliyeen Maxaas iyo Halgan oo kamid ah deegaanada ay ku xoogan yihiin macawiisleyda dagaalka kula jira Xarakada.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri: "Ciidamada Mujaahidiinta waxay hawgallo qorshaysan ka fuliyeen magaalooyinka Maxaas iyo Halgan ee bariga wilaayada Hiiraan. Halgan, waxay Mujaahidiintu camaliyad istish-haadi ah la beegsadeen saldhigii ugu weynaa ee ay deganaayeen maleeshiyaatka ridada ee loo adeegsanayey la dagaalanka Shareecada Islaamka sidoo kalena dhibaatada ku hayay Muslimiinta ku dhaqan deegaanka"

Bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab oo sii socda ayaa lagu yiri: "Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa cadawga kasoo gaaray camaliyadaas waxaana xubnaha lagu dilay kamid ah saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee ka howlgalayey deegaanadaas, kuwaas oo ay Mujaahidiintu in mudda ah ku raadjoogeen. waxaa kaloo jira burbur lixaad leh oo gaaray saldhigii cadawga iyo gaadiidkii ciidan ee goobta yaallay"

Warka kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegtay mas'uuliyada weerar madaafiic ah oo xaley lagu qaaday saldhigyada ciidanka DF iyo midka xabashida ee degmada Maxaas.

"Howlgalka labaad wuxuu xalay ka dhacay degmada Maxaas ee isla wilaayada Hiiraan. Waxay Mujaahidiintu beegsadeen saldhigyada ciidamada saliibiyiinta Xabashida ah iyo maleeshiyada ridada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hawlgalladaan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Halgan iyo Maxaas ayaa qayb ka ah duullaanada is dabajoogga ah ee ay Mujaahidiintu ku beegsanayaan cadawga duullaanka ku ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee isugu jira kuffaarta saliibiyiinta iyo maleeshiyaatka murtadiinta ah." ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Xarakada ayaa war saxaafadeedkeeda kusoo gunaanaday: "Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ah ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka fogaadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah"

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo saaka qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagu weeraray xerada macawiisleyda ee degmada Halgan, islamarkaana halkaas lagu dilay saraakiil iyo askar fara badan oo uu ku jiro taliyihii ciidanka DF ee degmada Halgan Jamaal Axmad Jaamac iyo saraakiil kale.

Halkan ka akhriso bayaanka PDF

Related Items

Update cookies preferences