Shil ay ku dhinteen 67 qof oo ka dhacay bartamaha dalka Nepal.

Sunday January 15, 2023 - 16:01:07
Liibaan Jeexoow
Waxaa dhintay inta badan dadkii rakaabka ahaa ee la socday diyaarad laga leeyahay wadanka Nepal kadib markii ay shil gashay.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay dhinteen 67 qof oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda kaasi oo ka koobnaa illaa 72 ruux.

Diyaaradda oo nuuceedu ahaa ATR 72 ayaa dhulka kusoo dhacday xilli ay ka kusii jeeday gobolka Bukhara, muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda oo dhulka kusii dhacaysa kadibna uu dab xooggan qabsaday.

inta badan dadkii rakaabka ahaa iyo shaqaalaha ayaa dhintay waxaana aad uyar dadka ka badabaday shilkan sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta dalka Nepal.

Related Items

Update cookies preferences