Maamulka 'Somaliland' oo ka hadlay saraakiisha caddaanka ah ee Berbera gaaray.

Sunday January 15, 2023 - 08:23:27
Liibaan Jeexoow
Magaalada Berbera ee gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya waxaa gaaray askar iyo saraakiil ka socday taliska ciidanka Mareyanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.
Mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa saraakiisha American-ka ah kusoo dhoweeyay madaarka magaalada Berbera.

Dowladda Mareykanka ayaa doonaysa in ay dhaqan geliso heshiiskii ay horay ula gashay maamulka 'Somaliland' kaasi oo dhigaya in Mareykanku uu xeebta Berbera ka dhisto saldhig melleteri.

Mid kamida maraakiibta dagaalka xukuumadda Washington ayaa lafilayaa in uu bisha gudaheeda ku xirto marsada caalamiga Berbera waxaana loo badinayaa in uu halkaas ku dejin doono qalbkii lagu dhisi lahaa saldhigga.

Mareykanka ayaa doonaya in uu dowladda shuuciyadda Shiinaha ku ciriiriyo awoodda qaaradda Afrika kadib markii uu shiinuhu Mareykanka uga hormaray ganacsiga qaaraddan.

Related Items

Update cookies preferences