Ruushka oo Sheegay in uu la Wareegay Magaalada Soledar ee Uraine.

Saturday January 14, 2023 - 12:25:14
Liibaan Jeexoow
uushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.
Wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in tani ay u ogolaaneyso ciidamada Ruushka in ay jebiyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalada Bakhmut, oo ah magaalo ay weeraro ku qaadeen muddo bilo ah.

Balse militariga Ukraine ayaa beeniyay in Soledar lagala wareegay, waxayna sheegeen in dagaalka halkaasi uu wali ka socdo.

Horraantii toddobaadkan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegtay in ciidamadooda ay qabsadeen Soledar, balse waxaa arrintaasi ka hor yimid wasaaradda gaashaandhigga ee ruushka.

Related Items

Update cookies preferences