Cillad ku timid duulimaadyada maxalliga Mareykanka.

Thursday January 12, 2023 - 10:15:27
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Mareykanka ayaa ayaa sheegaya in uu hakad ku yimid duullimaadyadii gudaha ee dalkaas. Dibu dhacan ayaa lagu sheegay in ay sabab u tahay cillad ku timid nidaamka kombuyuutarrada ee duullimaadyada waddankaasi.
Maamulka duullimaadyada ayaa qoraal ay ku faafiyeen bartooda ku sheegay in duullimaadyada diyaaraduhu ay si tartiib tartiib ah sidoodii caadiga ahayd ugu soo noqonayaan.

Dhanka kale wuxuu maamulka duullimaadyadu ka codsadey shirkadaha duullimaadyada in ay joojiyaan dhammaan safarrada illaa laga gaarayo sagaalka subaxnimo ee saacadda waddankaas.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isna caddeeyay in fariisashada diyaaraduhu ay caadi tahay laakiin kicitaanku aaney macquul ahayn, waxa aanu intaa raaciyey in maamulka duullimaadyadu aaney weli helin sababta keentay cilladda.

Dhanka kale mas’uuliyiin ka soo jeeda waddankaas ayaa sheegay in cilladdu ay bilaabantey xilli habeennimo ah hagaajintuna ay qaadan doonto muddo saacado ah.

Wasiirka Gaadiidka oo isna la hadley telefishanka CNN ayaa caddeeyay in aaney illaa immika helin wax weerar elektarooni ah oo lagusoo qaadey nidaamka baraarujinta diyaaradaha. Dib u dhacan ku yimi duullimaadyada diyaaradaha ee Mareykan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee dhaca muddo labaatan sano ah.

khubarada tignoolajiyadda american-ka oo ku faani jiray in ay leeyihiin aqoon heerkeedu sarreeyo ayaan illaa iyo hadda garan sababta keentay in uu cilladoobo nidaamka lagu hago diyaaradaha.

Related Items

Update cookies preferences