Jabhadda Oromo Liberation Army ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya ayaa hawlgal xabsi jebin ah ka fulisey magaalada Bule Hora ee koonfurta Oromia.
Hawlgalkan oo dhacey maalinnimadii Sabtidii oo ay bishu ahayd 7 January, 2023 ayaa oodda lagaga qaadey dad tiradooda lagu qiyaasey 480 illaa 500 oo maxbuus. Qaar kamida dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidankuba waxa ay sheegeen in jabhaddani ay weerar hubaysan ku qaadeen xabsigan ku yaalla xaafadda Goro Gudina habeen badhkii sabtida.
Maayir ku xigeenka magaalada Bule Hora, Girja Urago ayaa saxaafadda u sheegay in kooxdu ay xabsiga jabiyeen ka dib markii ay dileen ilaaladii xabsiga ee habeenkaas gaarka ku jirey. Inkasta oo aan jabhaddu dagaalka uga adkaan ciidamada dowladda haddana waxa ay goob joogeyaashu sheegayaan in hawsha farsamo ee jabinta xabsigu u fushay si xeeladaysan.
Dagaal ba’an oo markii dambe ka dhex qarxey jabhadda iyo ciidanka dowladda ayaa la sheegay in uu socday muddo saacado ah. Dagaalka ayaa bilaabmay qiyaastii abbaaro 11:30 saac, waxa uuna soo idlaadey 3:30 galabnimo.
Ciidanka dowladda ee ENDF ayaa sheegay 3 January, 2023 in howlgal sifeyn ah oo ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Oromia ay guul ka gaareen isla markaana ay ku xoreeyeen dhowr deegaan oo dhaca koonfurta gobolkaas. Itoobiya ayaa ah waddan la isku kabkabey oo aan dagaal ka bixin sidii loo sameeyay. Waxa dhammaadkii sannadkii dhawayd soo idlaadey dagaalkii cuslaa ee Tigreega oo socday muddo 2sano ah, kaas oo heshiis nabadeed lagu soo afjarey.