War rasmi ah oo kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah oo ku wajahnaa dhanka dalka Yemen.
Sedax Markab oo katirsan ciidanka badda Mareykanka ayaa biyaha caalamiga ku qabtay doon sidday shixnado hub ah taas oo laga lahaa dalka Iiraan kunasii jeeday Yemen sida bayaanka lagu sheegay.
Hubka laqabtay ayaa ka koobnaa illaa 2,116 qori nuuca AK47 ee Ruushku farsameeyo, Admiral Brad Cooper oo ah taliyaha dhexe ee ciidanka badda Mareykanka ayaa warbaahinta usheegay in hubkan loo waday maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen islamarkaana uu qeyb ka yahay shabakadda ballaaran ee tahriibinta hubka dowladda Shiicada Iiraan.
Ma ahan markii ugu horraysay oo USA ay sheegto in ay gacanta ku dhigtay doonyo shixnado hub ah siday oo taabacsan dowladda Iiraan.