Maamulka Puntland oo sheegay in ay ka madaxbannaan yihiin DF.

Tuesday January 10, 2023 - 11:14:32
Liibaan Jeexoow
War qoraal ah oo ka soo baxey maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay u dhaqmi doonto sidii dowlad ka madax bannaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warmurtiyeedkan oo ka koobnaa saddex bog ayaa lagu tibaaxey in Puntland gaar ahaan doonto illaa laga gaarayo heshiisyo wadar oggol ah oo ku saabsan hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

"Inta laga dhammeystirayo dastuurka federaalka oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey Puntland waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Puntland ayaa qoraalkan ay soo saartey si cad ugu qeexday in Dowladda Federaalku tahay "dhiggooda”. Weedhan oo loo adeegsado marka laba dowladood ama laba awoodood oo isu dhigmaa wada xaajoonayaan.

Xasan Gurguurte oo ah madaxweynaha DF iyo Deni waxa ay isku maandhaafeen magacaabiddii RW Xamse Cabdi Barre oo aan lagala tashan Deni. Tan ayaa sii wiiqi doonta dagaalkii aan cagaha badan ku taagnayn ee malleeshitada macawisleyda.

Maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa isagu tan iyo 1991-kii ku doodayey in uu ka madax bannaan yahay gebi ahaanba Soomaaliya laakiin aan weli helin waxa loogu yeero ictiraafka. Maamulka Puntland ayaa isna u muuqda mid qaadi doona jidkaa hagardaamada ah.

Related Items

Update cookies preferences