Shir ay isugu yimaaddeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Sool ayaa lagu qabtey magaalada Laascaanood, Shirkan ayaa sida odayaasha dhaqanku sheegeen lagaga tashanayey masiirka beelaha deggan gobolka Sool iyo isbedelka siyaasadeed ee soo kordhay.
Guddida odayaasha shirka iskugu yimid ayaa soo saarey warmurtiyeed ka koobnaa 12 qodob oo ay kamid ahaayeen in maamulka Somaliland qaato dhammaan mas'uuliyadda khasaarihii ka dhacey magaalada Laascaanood.
In maamulka Somaliland uu ka baxo dhammaan deegaannada aan laga oggolayn iyo In maamulka Somaliland ka daayo faragelinta uu gobolka ku hayo.
Odayaasha ayaa sidoo kale qodobada ku soo darey in ciidamada SSC aaney magaalada soo galin oo ay baaqi ku ahaadeen saldhigyadooda magaaladana aaney qas ka ridin.
Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa hadda xaaladdeedu daggan tahay iyada oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay rabshado ka jireen.
Maamulka la baxey Somaliland ayaa internet-ka ka jarey maalmihii hore magaalada si aan xog badan looga helin deegaannada uu kacdoonku ka socdo.
Dad ka badan 20 qof ayaa lagu dilay rabshadihii ka socday magaalada Laascaanood waxaana dilalkaas lagu eedaynayaa maamulka uu madaxda ka yahay maamulka Muuse Biixi balse saraakiisha SL ayaa dhankooda maleeshiyaadka hubaysan ee SSC labaxay ku eedaynaya in ay dad badan laayeen.