Iska hor'imaad ka dhacay degmada Kaxda iyo askar lagu weeraray Ex.control.

Sunday January 08, 2023 - 08:04:53
MeMo Staff
Waxaa habeenkii xalay qaar kamdi ah gobalada dalka ka dhacay weeraro ay xoogag ku beegsadeen askar katirsan DFS iyo kuwa shisheeye.
Ugu horrayn waxaa  weerar xooggan lagu qaaday fariisin ay leeyihiin maleeshiyaatka DF oo ku yaala isgoyska Ex-contarool Balcad degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.


Isla gobolkaas xoogag jihaadi ah ayaa xalay howlgal qorsheesan ka fuliyey xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Waxayna halkaas ku dhaaweceen hal askari oo ka tirsan askarta DFS kaas oo lagu magacaabo Maxamed Yuuusf Shamuukh.

Dhinaca kale iska hor'imaad culus ayaa maleeshiyaadka kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, maleeshiyo hubaysan oo daacad u ah xubin katirsan maamulka degmada ayaa weerar ku qaaday xarunta degmada Kaxda waxaana halkaas ka dhacay iska hor'imaad saacado qaatay.

Saraakiisha hoggaaminaysa maleeshiyaadka gadoodsan ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Kaxda in uu sad bursi ku sameeyay shaqo qeybinta waaxaha degmada.

Related Items

Update cookies preferences