Wasiirka maamulka arxanka daran ee Yuhuudda Itamar Ben Gvir ayaa sheegay in ay soo celin doonaan xukunkii merjinta maxaabiista reer Falastiin. Qoraal uu dhigey bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in ay xukunka deldelaadda ku fulin doonaan qofkasta oo dila ama isku daya dilka sahaayinada.
"Waxaan booqdey xabsiga Nafxa shaleytoole, waxaanu ku kordhinaynay qaybo cusub, si aan kuwii dilalka noo geystay u helin nolol ka fiican midda ay hadda haystaan”. Ayuu sii raaciyey Gvir.
Xabsiga Nafxa ayaa 100KM u jira magaalada Bi’ru Sabc halka uu 200KM u jiro magaalada Qudus. Xabsigan ayaa lagu tiriyaa midka ugu adag uguna nolol iyo duruuf xun dhammaan xabsiyada Yuhuudda.
Ibnu Qafiir ayaa ololeyaasha siyaasadeed ku gali jirey hadallo xanaf mayran ah oo ay kamid ahaayeen in uu hagardaameyn doono maxaabiista muslimiinta ee reer Falastiin.