Caabuqa Covid19 oo 3sano kahor lagu arkey magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa dib u soo laba kacleeyay.
Caabuqan oo dunida aad u saameeyay sannadkii 2020 ayaa galaaftey nolosha malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida, hase ahaatee waxa immika dib looga dareemayaa ifafaalihiisa waddanka China.
Saraakiisha caafimaadka ee waddankaas ayaa sheegay in illaa 5000 oo qof laga helay cudurka halka dhimashona ay jirto, inkasta oo la rumaysan yahay in tiradu intaa ka badan tahay. Shiinaha oo ah waddanka ugu dad badan adduunka ayaa dadkooda xayiraad laga saarey 12 waddan oo reer Yurub u badan isla markaana ay ku jiraan Mareykanka iyo Japan.
Dowladda Marooko ayaa dhankeeda iyaduna hakisey dhammaan safarradii ka imanayey Shiinaha. Warsaxaafadeed ka soo baxey wasaaradda dibedda Maqrib ayaa lagu yidhi "hakinta safarradu waxa ay ku kooban tahay dhammaan dadka ka imanaya Shiinaha marka loo eego jinsiyadahooda” waxa kale oo intaa lagu darey in xayiraaddu qasab ku bilaabmi doonto laga bilaabo 3-da bishan January illaa amar dambe.
Isku soo wada duuboo dib u soo laabashada caabuqani wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa dhaqaalaha adduunka oo awalba la daalaa dhacayey dagaallada Yurub ka socda.