Fuqarada iyo Masaakiinta ku dhaqan Buq-aqable oo xoolo Zaka ah lasiiyay.

Saturday December 31, 2022 - 12:06:24
Liibaan Jeexoow
Maktabka diiwaanka zakawaadka ee wilaayada islaamiga Hiiraan ayaa masheyyc zako qaybin ka sameeyay degmada Bu'aqable ee wilaayada Hiiraan, kaas oo ay ka faa'ideysteen dadweyne fara badan oo muslimiin ah, isuguna jiray fuqaro iyo masaakiin.
Mashruucan zako qaybinta ee degmada Bu’aqable waxaa ka faa’ideystay ku dhawaad 100 qof oo isugu jira fuqaro iyo masaakiin, waxaana dadka fuqarada ah ee zakada la siiyay wajiyadooda laga dheehan karay farxadda iyo reeynrayn, mashruucan zaka qaybta ah ayaana ka koobnaa Geel iyo Ari.

Zakadu waa tiir ka mid ah tiirarka islaamka, xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaana sanad walba marka la gaaro xilliga zakada mashaariic zako qaybin ka samaysa degmooyinka iyo deegaannada wilaayaadka islaamiga ah ee dalka Soomaaliya, waxaana laga soo qaadaa dadka hodanka ah ee ay ku waajibtay zakada halka xarakadu ay dib ugu celiso dadka fuqarada ah ee ay u waajibtay in la siiyo.

Hoos Ka Daawo Mashruuca Zako Qaybinta Degmada Buq’aqable.

Related Items

Update cookies preferences