Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud waxaa buux dhaafiyey dadkii ugu badnaa muddooyinkan ee safraya kadib cabsi soo wajahday.
Shaati-gaduud Airoprt ee magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa waxaana dadka halkaa ku sugan ay kusoo qulqulayaan Muqdisho, iyagoo ka cararaya xiisada colaadeed ee halkaas ka taagan.
Dadka qaxaya ayaa isugu jiro Siyaasiyiin ay ku jiraan kuwo Xilal haya, madax ka qeyb gashey Xafladda afar sano guurada laftagareen iyo dad kale oo shacab ah oo Carruurtooda kala soo cararaya magaalada Baydhabo.
Shirkadaha duulimaadyada ayaa kordhinaya duulimaadyada magaalada Baydhabo iyagoo ka daad gureynaya dadka doonaya in ay isaga cararaan magaaladan oo ay ku noolyihiin dad ka badan 250 kun oo qof.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa weli laga dareemayaa Magaalada Baydhabo kuwaas oo midba iskiis isku abaabulayo una diyaarsan dagaal, iyadoo xiisadan ay daba socoto dagaal labo cisho ka hor halkaas ka dhacay ku dhexmaray ciidamo daacad u ah Laftagareen iyo kuwo la baxay badbaadada Koonfur galbeed oo ay taageerayaan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.