Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo ay ka Baxayaan Dad Fara Badan, Hadaba Maxay Tahay Sababta.

Monday December 26, 2022 - 08:09:53
MeMo Staff
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ayaa waxaa buux dhaafiyey dadkii ugu badnaa mudooyinkan ee magaaladaas joogay, kadib cabsi soo wajahday.
Shaati-gaduud Airoprt ee magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa waxaana dadka halkaa ku sugan ay ku soo qulqulayaan Muqdisho, iyagoo ka cararaya xiisada colaadeed ee halkaas ka taagan.

Dadka qaxaya ayaa isugu jiro Siyaasiyiin ay ku jiraan kuwo Xilal haya, madax ka qeyb gashey Xafladda afar sano guurada laftagareen iyo dad kale oo shacab ah oo Caruurtooda kala soo cararaya magaalada Baydhabo.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa kordhinaya duulimaadyada magaalada, iyagoo ka daad gureynaya dadkii reer Baydhabo iyo kor ka imaadkii.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo ayaa weli laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, kuwaasoo midba iskiis isku abaabulay una diyaarsan dagaal, iyadoo xiisadan ay daba socoto dagaal labo cisho ka hor halkaas ka dhacay kaasoo dhexmaray ciidamo daacad u ah Laftagareen iyo kuwo la baxay badbaadada Koonfur galbeed oo ay taageerayaan siyaasiyiin mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.

Related Items

Update cookies preferences